Hiiraan – Dagaal dhexmaray Al-Shaaab iyo Ciidamada DFS

Published: December 9, 2019

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee Axadii iska caabiyay dagaal-yahanada ururka Al-Shabaab, ka dib markii ay ku soo weerareen inta u dhaxeyso degmooyinka Maxaas iyo Buulo-Barde ee gobolka Hiiraan.

Xoogga Dalka oo ka amba baxay degmada Maxaas, kuna sii jeeday Buulo-Barde ayaa waxaa wadada u galay dagaal-yahanada Al-Shabaab, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus. Dagaalka ayaana soo gaaray caweysnimadii xalay, iyadoo dhawr saacadood oo xiriir ah uu socday.

Waxaa horkacayay Ciidanka Xoogga Dalka ee wadada loo galay Taliyaha Guutada 5aad ee Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Faarax Cali Waasuge.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalku uu xoogeystay, ka dib markii labada dhinac ay gurmadyo xoogan kala gaareen.

Dadka deegaanka ayaa waxay warbaahinta gudaha u sheegeen in intii uu dagaalku socday ay maqleen qaraxyo waaweyn.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalkan, balse waxaa maanta lagu wadaa in Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ay faah faahiyaan dagaalkaasi iyo khasaaraha ka dhashayba.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *