Somaliland oo Albaabada isugu laabta Hotel cusub oo laga furay Laascaanood.

Published: December 9, 2019
Hotelka Cusub ee laascaanood laga furay

Ciidamada Booliska Somaliland ee Magaalada Laascaanood ayaa Albaabada isuggu laabay hotel cusub oo lagu magacaabo Peace Hotel kaas oo xafladiisa daahfurka ay ka socotay isla gudahha Hotelka, Dhismaha Cusub ayaa hortiisa lagu xiray Calamo ay ka mid yihiin kuwa Somalia iyo Kenya.

Ciidamada ayaa lagu waramayaa in ay u cuskadeen xiridda hotelka iyo joojinta xaflada calanka Soomaaliya oo la suray Bnaanaka Dhismaha, Sidoo kale waxaa xabsigga loo taxaabay hal weriye waxaana iyaggana qalabkii shaqada laga ururiyay weriyayaal kale oo u yimmi tebinta xaflada daah-furka Hotelka Cusub.

Ciidamada Booliska, Maamulka Degmada, iyo Masuuliyiinta Hotelka ayaan midkoona si faahfahsan uga hadlin arinkaan, Somaliland ayaa horay u xirtay dad ku labisan Maryo u eg Calanka Soomaaliya, dad aaminsan argatidda midnimada iyo kuwa kale oo loo xiray aragtiyo gaar ah.

Horseed Media, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *