Somaliya oo ka Qaybgashay Shirka Baarlamaanka Aduunka oo Qadar Ka Furmay

Published: December 9, 2019

Shirka 7aad ee Ururada Baarlamaanka Aduunka ee la dagaalanka Musuqmaasuqa ayaa ka furmay magaalada Doha ee Dalka Qatar, Shirkaa waxaa si wadajir ah u gudoomin doona Gudoomiyaha Golaha Shuuradda Qatar iyo Gudoomiyaha Ururka Baarlamaanka Aduunka.

Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sarre Soomaaliya Maxamed Cabdi Xaashi iyo wafti uu hogaaminayo oo ka kooban labada golle ee Baarlamaanka Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka qaybgalaya shirkaan.

7 Maalmood ayuu shirkaan ka socon doona Magaalada Doha Ee Xarunta Qatar dawlada Soomaaliya ayaa dhawr jeer oo hore ka qaybgashay.

Horseed Media, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *