Tirada ciidamada Ethiopia ee jooga Soomaaliya oo la shaaciyay

Published: December 9, 2019
Image result for Meles Alem
Danjire Meles Alem

Dowladda Federaalka ah ee Ethiopia ayaa sheegtay tirada Ciidamadeeda ku jira gudaha Soomaaliya ee dagaalka kula jira dhaq dhaqaaqa Al-shabaab.

Danjiraha dalka Ethiopia ee Kenya  Meles Alem, oo wareysi dheer siiyay wargeyska The Star ee ka soo baxa Kenya ayaa kaga hadlay sida ay Ethiopia uga suuragashay in ay Kenya kaga wanaagsanaato  ka hortagga weerarrada Al Shabaab.

Meles Alem, ayaa sheegay in Ciidamada Ethiopia ee ku jira gudaha Soomaaliya ay tiradooda u dhaxeyso 9,000 ilaa 15,000 oo askari kuwaas oo qaabilsan qeybta 3aad ee AMISOM oo ka kooban g obollada kala ah Baay, Bakool iyo Gedo.

Ciidamada Ethiopia waxaa sidoo kale ay qeybkayihiin qeybta 4aad ee AMISOM oo ah gobollada Hiiraan iyo Galguduud, waxaana ay joogaan magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Beledweyne.

Kenya Ciidamada ka jooga Soomaaliya waxaa lagu sheegay 2,500 ilaa 4000 oo askari, waxaa ay ka howlgalaan gobollada Jubada hoose , Jubada dhexe iyo Gedo, waxaana loogu yeeraa qeybta 2-aad ee AMISOM.

Meles Alem, ayaa sheegay in intii u dhaxeysay 2013 ilaa 2017 ay Ethiopia ka dhaceen  46 dhacdo la xiriirta Al-Shabaab ayna ku dhinteen 361 qof kuna dhaawacmeen 160 qof oo kale.

Halka Kenya isla xilligaas ka dhaceen 373 weerar oo ay ku dhinteen 929 qof kuna dhaawacmeen 1,149 qof iyada oo sidoo kale la afduubtay 666 qof.

Danjire Males ayaa sheegay in sababta ay Ethiopia ugu yaryihiin weerarrada Al-shabaab tahay iyada oo dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero argagixisada billowday 1980kii ilaa 1990kii islamarkaana qibrad wanaagsan u leedahay marka loo eego dalalka deriska la ah Soomaaliya sida Kenya oo kale.

Alem ayaa xusay in qofka Ethiopian ah uusan kaliya ogeyn albaabka ku dheggan qofka deggan ee uu xitaa ogyahay xaafadda uu degganyahay dadka ku nool iyo wixii ku soo kordha taas oo ka dhalatay wacyi gelin bulshada loo sameeya si dhowna ula shaqeeyaan hay’adaha amaanka.

Isha:The Star

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *