Tirada Ciidamada Suudaan Ka Jooga Yemen oo La Dhimayo

Published: December 9, 2019

Ra’isul wasaaraha Suudaan Cabdalle Xamdok ayaa ku dhawaaqay in xukuumadiisu au dhimayso tiradda ciidamada ka jooga wadanka Yemen, kuwasoo qayb ka ah ciidamada huwanta ah ee la dagaalama kooxda Xuutiyiinta.

Tirada ciidamada Suudaan ka jooga wadanka ayaa lagu sheegay 15,000 kun oo askari, waxaana la gaarsiinayaa 5,000 kun oo askari sida uu sheegay Ra’isul wasaaraha oo safar lix maalmood ah ku tegay wadanka Maraykanka.

“waxaanu aaminsanahay in xal siyaasadeed lagu soo afjari karo dagaalka Yemen”Sidaas waxaa yiri Ra’isul wasaare xamduk

Dagaalka Yemen ayaa Sanadkii 4aad gelay iyadoo xulufada Sucuudigu uu hoggaamiyo ay ku guuldaraysteen inay xoog ku muquuniyaan kooxda Xuutiyiinta oo gacanta ku haya inta badan wadanka Yemen.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *