Wasiirka Amnigga DFS oo ka hadlay halka uu marayo baarista qaraxii a dhacay Xarunta Gobolka Banaadir.

Published: December 9, 2019
Wasiir Islow oo hortagay Baarlamaanka.

Maxamed Abuukar Islow Wasiirka Amnigga Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya oo shalay hortaggay Golaha Baarlamaanka ayaa wax laga waydiiyay halka uu marayo baarista qaraxii ka dhacay 24kii July xarunta Gobolka Banaadir taas oo uu ku dhintay Gudoomiyihii Gobolka Banaadir ahna duqii muqdisho Eng Cabdiraxmaan Osman Cumar Yariisow. Wasiir Islow ayaa sheegay in baaritaanka qaraxaas uu yahay mid weli socdo oo aan illaa hada la soo bandhigi karin, illaa baaritaanka ka soo dhamaado.

“Baaritaanka waa socdaa markaa leenahay waxay sabab u tahay in dad kale lagu raad-joogo, marka lama soo bandhigi karo, illaa baaritaanka ka soo dhamaado, laakiin dhankeena sida meesha wax uga dhaceen kaamiro video ayaa ka heynaa, dadka qaar la qabtay, qaarka kalena waa lagu raadjoognaa, haddaa soo bandhigno waxaa dhici kara xooggaa in wax uu yimaado baaritaanka, anaga uga xanuun badan, dadka meesha ku dhintay waxay ahaayeen dad aan asxaab nahay oo Guddoomiyaha ku jiro” ayuu yiri Wasiir Islow Ducaale.

Wasaarada ayaa horay usoo saaray warbixino hordhac ah oo la xiriira baaristii qaraxii ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir, Dawlada ayaa sheegtay in gabar ay fulisay qaraxaan. weerarkaan oo Alshabaab ay sheegatay ayaa sababay dhimashada Gudoomiyihii Gobolka Banaadir, iyo qaar ka mid gudoomiyayashii degmooyinka Gobolka Banaadir iyo shaqaale ka tirsan axrunta Gobolka Banaadir.

Horseed Media, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *