Kenya: Macalin Iskool ayaa Hoggaaminayay Weerarkii Lagu Dilay 7 Sarkaal

Dowladda sheegtay ayaa shaacisay magaca ninkii hoggaaminayay weerarkii lagu dilay 12 qof oo 8 ka mid ah ay ahaayeen Saraakiil ka tirsanayd Booliiska kenya oo Saarnaa gaari bus ah degmada Wajeer ee waqooyi Bari Kenya

Ninka oo lagu magacaabaa Maxamed Xuseen Xasan ayay booliisku sheegeen inuu macali ka aha Iskuul ku yaal magaaladda Wajeer, islamarkaana uu ahaa hoggaamiyihii iyo isku xirihii kooxdii weerartay gaariga Buska ah oo ka koobnayd 15 nin oo hubaysnaa

Booliisku waxay intaas ku dareen inay xiraan 11 qof oo ay ku jirto marwadii uu qabay Maxamed, dadka ayaa looga shakisan yahay inay lug ku lahaayeen weerarka, Booliisku waxay intaas ku dareen in Maxamed uu ka talaabay xuduuda oo uu u baxsaday dhinaca Somaliya.

Weerarkan waxaa masuuliyadiisa sheegtay ururka Alshabaab ee Soomaaliya.

HORSEEDMEDIA