Somiland iyo DP World Oo Kala Saxiixday Mashruuca Aagga Cashuuraha Ka Caagan ee Dekedda Berbera

Published: December 10, 2019

Somaliland iyo shirkadda DP World ee Imaraadka Carabta ayaa maanta Magaaladda Hargaysa ku kala saxiixday mashruuc ballaadhan oo lagu hirgelinayo Aagga cashuuraha ka caaggan ee dekedda Berbera

Munaasibadda lagu daah-furayo mashruucan oo maanta lagu qabtay Hutel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxaa goobjoog ahaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, shirguddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, madaxda shirkadda DP World, safiirro ka socday dalalka deriska, madaxda xukuumadda u qaabilsan gobolka Saaxil, xubno kamid ah golaha wasiirrada, ganacsatada dalka iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan.

Maareeye-ku-xigeenka shirkadda DP World, ahna u qaybsamaha shirkadda ee Bariga dhexe iyo Afrika, Mudane Suhail Al-banna oo kulanka lagu kala saxeexanayey heshiiska lagu gudo gelayo hirgelinta Aagga cashuuraha ka caagan ee Berbera, ayaa ugu horrayn xukuumadda Somaliland uga mahadceliyay sida ay shirkadda ula shaqeeyaan, waxana uu caddeeyey inay shirkad ahaan ku dhammayn doonaan sida uu yahay qorshahooda ay ku dhammaynayaan wejiga koowaad ee dhismaha dekedda Berbera.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isaguna hadal kooban ka jeediyey munaasibadda daah-furka hirgelinta Aagga cashuuraha ka caagan ee Berbera, ayaa ugu horrayn dawladda Imaaraadka Carabta iyo shirkadda DP World ugaga mahadnaqay maalgashiga ballaadhan ee ay ku sameeyeen dekedda Berbera

“Mashruuca Berbera Port aragtida guud ee aynnu qaran ahaan ka leenahay waa inaynu ka helno koboc dhaqaale oo dalkeena Somaliland iyo gobolka aynnu ku naallo iyo geeska Afrika caalamkana aynnu la wadaagno, Himiladeennuna waa inay Barwaaqowdo Somaliland oo ay horseed u noqoto bilowga dhismaha dekedda iyo waddada Berbera iyo madaarka Berbera oo isaguna noqon doona madaar ganacsi oo caalami ah,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi

Ugu dambayntii waxa madasha lagu kala saxeexday heshiiska lagu hirgelinayo Aagga Cashuuraha ka caagan ee Berbera, waxana kala saxeexday Maareeye-ku-xigeenka shirkadda DP World, ahna u qaybsamaha shirkadda ee Bariga dhexe iyo Afrika, Mudane Suhail Al-banna oo shirkadda DP World ee mashruucan masuulka ka ah u saxeexay iyo wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda oo xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland u saxeexay.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *