Wasiirka Beeraha Federaalka iyo dhigiisa Shiinaha oo ka wada hadlay horumarinta beeraha Somaliya

Published: December 10, 2019

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid oo shir looga hadlayo horumarinta beeraha Afrika uga qeybgalaya dalka Shiinaha ayaa halkaasi kula kulmay dhigiisa Shiinaha.

Wasiir Xuseen Ciid ayaa sheegay in dhigiisa Shiinaha Han Changfu ay ka wada hadleen sidii labada dal ay isaga kaashan lahaayeen dhanka beeraha, isla markaana dowladda Shiinaha ay gacan uga geysan lahayd horumarinta beeraha dalka.

Wasiirka Beeraha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa bartiisa ku soo qoray “Waxaa kula kulmay magaalada Sanya oo uu kasocdo Shirka Wasiiraha Beeraha Afrika iyo China, Wasiirka Beeraha China Han Changfu waxa ka wadahadalnay iskashiga beeraha labada dal iyo sidii China gacan uga gaysan lahayd horumarinta Beeraha Soomaaliya, weliba dhinacyada tababarka, cilmi baarista iyo kaabayaasha beeraha”

Kulanka kaddib Wasiir Ciid waxa uu booqday xarunta cilmibaarista beeraha dhulka kulul ee magaalada Sanya ee dalka Shiinaha.

Mudane Saciid Xuseen Ciid Wasiirka Beeraha Dalka ayaa xusay in shirka uu la qaatay Wasiirka Beeraha dalka Shiinaha uu ku soo idlaaday guul iyo is afgarad.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *