Champions League – Ogow 14-ka kooxood ee iska xaadiriyey wareegga 16-ka

Published: December 11, 2019

Xilli ciyaareedkan 2019-20 heerka Guruubyada Champions League ayaa la soo gabagabaynayaa bishan December, laakiin 14 kooxood ayaa soo baxay iyadoo 16-kooxood laga doonayo inay u soo gudbaan wareegga kala baxa tartankan.

Kaddib kulamadii xalay la ciyaaray saddex kooxood ayaa xaqiijiyey inay u soo gudbeen wareegga 16-ka Champions League 2019-20 waxaana ay kala yihiin, Paris Saint-Germain, Bayern Munich iyo Juventus.

14-ka kooxood ee xaqiijiyey illaa iyo haatan inay u soo baxeen wareegga 16-ka Champions League iyo koox waliba kaalinta ay ku soo baxday:-

Manchester City ayaa xaqiijisatay inay kaalinta koowaad kaga soo baxday Group C, laakiin waxaa la sugi doonaa kooxdii wareegga 16-ka kula biiri lahayd Shakhtar Donetsk, Dinamo Zagreb iyo Atalanta.

Dhinaca kale waxaa la sugi doonaa kooxdii Atletico Madrid iyo Bayer Leverkusen kula biiri lahaa Juventus oo xaqiijisatay inay Group D kaga soo baxday kaalinta koowaad.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *