Ciidanka Dowladda oo soo afjaray weerarkii Hotel SYL

Published: December 11, 2019

Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay saqdii dhexe xiliga Muqdisho soo afjaray weerarkii koox ka tirsan al-Shabaab ay ku qaadeen Hotel SYL oo kamid ah kuwa aadka ugu dhaw xarunta Madaxtooyada.

Shan kamid ah malayshiyada al-Shabaab oo ku hubeysan qoryaha fudud ayaa si gaadmo ah ku galay Hotelka aadka loo ilaaliyo ee SYL.

Afhayeenka Dowladda federaalka Mukhtaar ismaaciil ayaa xaqiijiyey in shantii al-Shabaab ee soo galay Hotelka la diley. Mukhtaar waxa uu sheegay in weerarkaas ay ku dhinteen saddex qof oo shacab ah iyo laba askeri.

Weerarkan ayaa bilowdey xalay 7 fiidnimo xiliga Soomaaliya, waxaana u dhacay si ka duwan sidii hore ee ahayd in al-Shabaab ay weerarka ku bilaabaan qarax gaari, waxaana ay weerarka ku bilaabeen rasaas ay ooda uga qaadeen ilaalada Hotelka kadibna qaarkood ay orod ku galeen Hotelka.

Warar ayaa sheegaya in ilaa laba xildhibaan dhaawacyo fudud ay soo gaareen.

Horseed media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *