Cumar Cabdirashiid oo Ka Tacsiyeeyay Sarkaal Lagu Dilay Weerarkii SYL

Published: December 11, 2019

Ra’isul wasaarihii hore ee xukuumadda Federaalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ka tacsiyeeyay Geerida Sarkaal ka mid ahaan jiray Ilaalidiisa oo lagu dilay weerarkii ururka Alshabaab ay ku qaadeen Hotel SYL ee Muqdisho.

Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Ismaacill Muuf wuxuu ka tirsanaa qaybta 60aad ee ciimada dowladda federaalka ee ilaaliya xarunta madaxtooyada, Sarkaalkan iyo ciidamo kale ayaa ahaa ciidamadii u horreeyay gaara hotel SYl, halkaasi oo lagu dilay

“Allah u Naxariisto Mohamud Ismael (Muuf) oo xalay ku geeriyoday falkii argagixisnimo ay Al Shabaab ku soo qaadeen Hotel SYL. Dhamaan ehelladii, asxaabtii iyo ciidanka xooga dalka ee uu ka baxayna samir iyo imaan Allah ka siiyo. Shaqsi u huray naftiisa dalka iyo dadka ayuu ahaa” Sidaas waxaa yiri Cumar Cabdirashiid oo qoraal soo dhigay bartiisa twitterka

Weerarka ururka Alshabaab ku qaadeen Hotel SYl waxaa ku dhintay 10 qof oo isugu jira 5 qof oo shacab ah iyo 5tii maleeshiyada Shabaab ee soo weerartay Hoteelka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *