Gudoonka Aqalka Sare oo la kulmay hoggaanka Golaha Shuurada Qatar

Published: December 11, 2019

Guddoomiyaha golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan  magaalada Dooxa ee Dalka Qatar kula qaatay guddoomiyaha golaha shuurada Dowladda Qatar Mudane Axmed Bin Cabdallah Al Maxmuud.

Kulanka Labada guddoomiye waxay si qoto dheer uga wada hadleen arrimo muhiim u ah Labada Baarlamaan, kaalinta dowladda Qatar ay ka qaadato dib u dhiska dowladnimo ee dalka Soomaaliyeed, qadiyadda reer Falastiin iyo sidii Labada Baarlamaan ay u garab istaagi lahaayeen shacabka dhibaatayaan ee Falastiin

Labada Guddoomiye waxay isku af garteen in labada Baarlamaan ay yeeshaan xiriir adag iyo wada shaqayn dhow, isla markaasna ay is waydaarsadaan khibradaha sharci dajineed ee labada dhinac.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *