James Swan Iyo Waare Oo Ka Wada Hadlay arrimaha doorashooyinka 2020ka

Published: December 11, 2019

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare iyo Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa kulankoodii labaad muddo toddobaad ah ku yeeshay xarunta maamulka Hirshabelle ee Jowhar.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Ergeyga Midowga Yurub ee Soomaaliya, Nicolas Berlanga, Ku xigeenka wakiilka gaarka ah Midowga Afrika , saraakiil ka socotay Urur goboleedka IGAD.

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midobaay ayaa waxa ay ku faahfaahiyeen kulankii ay yeesheen.

“Waxaan ka wadahadalnay arrimo ay ka mid yihiin amniga, samafalka, guud ahaan xaaladda dalka iyo arrimaha doorashooyinka 2020ka.”ayuu yiri Madaxweyne Waare.

“Wadahadalo aad u qoto dheer ayaan yeelanay  annago dhinacyo badan ka hadalnay”ayuu sii raaciyay Madaxweynaha Hirshabelle.

Sidoo kale Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James  Swan oo hadlay ayaa yiri “Waxaan halkan nimid aniga iyo wakiilo ka socda Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo IGAD caasimadda Hirshabelle markii labaad ayaan nimid annagoo wadatashiyo la yeelanayno arrimaha Federalka iyo weliba doorashooyinka 2020.”.

“Waxaan la hadlaynaa dhinacyada kala duwan ee qeybaha bulshada, hogaamiyaasha bulshada si aan u ogaano fikradahooda la xiriira arrimaha doorashoyinka,horumarinta bulshada iyo ammaanka.”ayuu hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay James Swan.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *