Maraykan oo qaab cusub u weeraraya Al-Shabaab

Published: December 11, 2019

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Ciidamo ka socda loo dirayo Soomaaliya islamarkaana wax badan laga beddelayo siyaasadda Mareykanka ee la dagaallanka Al-shabaab.

Petagonka Mareykanka ayaa qorsheynaya in xaddidaadda laga qaado Ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya kuwaas oo hadda kaliya loo ogolyahay in ay weerarro cirka ah ka geystaan Soomaaliya.

Saraakiil qariyay magacooda kana tirsan Wasaaradda difaaca Dalka Mareykanka ayaa sheegay in Pentagon-ka uu codsi u diray Aqalka Cad iyo Golaha wakiillada Mareykanka.

Codsigaas ayaa sheegaya in la ballaariyo awoodda Ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya loona ogolaado in ay dhulka kala howlgalaan Ciidamada Soomaaliya ee fulinaya weerarrada ka dhanka ah Al-shabaab.

Saraal sare oo ka tirsa Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in Ciidamada Mareykanka ee hadda ka howlgala Soomaaliya ay yihiin tababaraal fadhigoodu yahay Balli doogle, hayeeshee haddii codsigooda loo tixgeliyo ayuu sheegay in ay ka qeybqaadanayaan howlgallada dhulka ah ee ka dhanka ah AL-shabaab.

Taliyihii hore ee Africom Gen. Thomas Waldhauser, Wareysi siiyay AP ayaa sheegay in isbeddel weyn ay ku sameynayaan habka ay hadda u wajahaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab,hayeeshee waxaa uu ka gaabsaday in uu tilmaamo qaabka ay u howlgalayaan.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa markii uu xilka qabtay amar ku bixiyay in la kordhiyo weerarrada ka dhanka ah AL-shabaab ee dhinaca cirka.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeeyay Mareykanka in uu ku laayo dad rayid ah islamarkaana Taliska Mareykanka ee Afrika uu dafiro khasaaraha ka dhasha weerarradiisa Soomaaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *