Muqdisho: 15 diblomaasi Soomaali ah oo tababar Loogu Diray Qatar

Published: December 11, 2019

Illaa iyo 15 diblomaasi Soomaali ah oo ay ku jiraan seddex danjire oo heerkoodu sarreeyo, Agaasime waaxeedyo iyo diblomaasiyiin kale ayaa magaalada Doha ee xarunta dalka Qatar ku qaadanaya tababar la xiriirta xirfadda macallinimo oo ay barayaal kaga noqon doonaan Machadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo dib loo furay 02 December, 2019.

Agaasimaha Machadka Diblomaasiyadda Mudane Yuusuf Calasow Maxamuud ayaa sheegay in diblomaasiyiintan Soomaalida ah ay muddo 10 cisho ku soo tababaran doonaan Machadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dowladda Qatar si ay u bartaan hababka wax-baridda iyo agabka casriga ee la adeegsado, iyadoo la taabagelinayo waxyaabaha uu u baahan yahay manhajka Qaran ee Machadka si loo helo qaabab wanaagsan oo lagula falgalo ardayda si loo diyaariyo jiil diblomaasi firfircoon oo wax ka qabta xaaladda gobolka iyo midda caalamiga ah.

Machadka tababarada dimplaamisiyiinta ee Muqdisho ayaa waxaa dowladda federaalka ka caawinaya dowladda Qadar

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *