Xildhibaan Xoosh oo Soo Jeediyay In Doorashada 2021 lagu Galo Habkii Hore [DAAWO]

Published: December 11, 2019

Xildhibaan Cali Yuusuf Cali oo ka tirsan gollaha shacabka ee dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka hadlay habka lagu galayo doorashada barlamaanka ee 2021 ayaa soo jeediyay in qaabkii hore la galo doorashada.

Xildhibaan Xoosh, Wuxuu sheegay in sanadkii u dambeeyay ee xukuumadda Federaalka ay muujinayso in aan hab ka duwan habkii hore lagu gali karin doorashada 2021ka.

“Qodobka 11aad ee habka doorashada heer federaal, annigu waxaan qabaa sidii ay soo jeediyeen guddigu oo ah sida aan ku nimid oo ahaa liiska furan, qofkastaana ku laabanayay degaankii laga soo doortay” ayuu yiri Xildhbiaan

Dhinaca kale, Xildhibaan wuxuu tilmaamay inuusan aaminsanayn in dalka ay ka jiraan Xisbiyo Siyaasadeed oo sharci ah.

https://www.facebook.com/horseedmedia/videos/443019236611133/

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment