Balcad – Al-Shabaab oo weerartay xerada Hiilweyne

Published: December 12, 2019

Wararka laga helayo gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in dableey hubaysan oo ka tirsan  Al-Shabaab ay xalay weerar ku qaadeen xerada ciidan ee Hiilweyne oo ku taalla dhinaca Waqooyi ee magaalada Balcad.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay gudaha u galeen xeradaasi ciidan ee Hiilweyne waxaana la xaqiijiyay in ay halkaasi ku dileen  5 ruux oo 4 ay yihiin rayid, kan kalena askari.

Dadka degaanka ayaa laga soo xigtay in malayshiyaadka Al-shabaab ay saacado kooban qabsadeen  saldhigaasi  sidoo kalena ay gubeen laba gaari oo xerada yaallay ka hor inta aysan isaga bixin halkaasi.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *