Canada iyo Somalia oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka Labada Dal.

Published: December 12, 2019
Raysal-wasaare ku xigeenka DFS Mahdi iyo Wasiirka Arimaha Dibadda Canada Mr Philippe.

Mahdi Maxamed Guuleed Raysal-Wasaare ku xigeenka Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya oo ku suggan Dalka Masar isagga oo ka qaybgalay Madasha Aswan ee looga hadlo Nabadda iyo horumarka waara ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arimaha dibadda Dalka Canada François-Philippe.

Mahdi Guuleed iyo Mr Philippe ayaa ka wada-hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal, Mahdi waxa uu canada ugga mahadceliyay caawimaada ay ummada soomaaliyeed u fidisay, si gaar ah waqtiyadii adkaa ee dalku burburka ku jiray.

Raysal-waaare ku xigeenka oo ay weheliyaan xubno ka mid ah golaha wasiirada Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kulamo doceedyo la qaatay masuuliyiin kale oo ka soo qaybgalay madasha Aswan.

Horseed Media, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *