DFS iyo Ahlu Sunah oo heshiis gaaray.

Published: December 12, 2019

Culima u diinka Ahlu sunah waljameeca iyo Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa gaaray heshiis ku salaysan saami qaybsigga xubnaha ay ku yeelanayaan Baarlamaanka cusub ee dhawaan lasoo dhisi doono.

Wasaarada Arimaha Gudaha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay in 20 xildhibaan la siiyay culima u diinka ahlu suna waljameeca taas oo ay ku yeelan doonaan Baarlamaanka lasoo dhisi doono, waxayna sheegtay in dadaal mudo dheer socday oo ay qayb ka ahaayeen isimadda dhaqanka, siyaasiyiin iyo ganacsato lagu gaaray heshiis buuxa.

Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya waxay Ahlu-Sunah uga mahadcelisay dadaalkii iyo tanaasulkii ay sameeyeen si loo dhiso Galmudug loo dhanyahay, iyo dawrkii ay ka qaataan Amnigga iyo Horumarka Galmudug.

Horseed Media, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *