Hay'adda Bisha Cas ee dalka Imaaraadka ayaa xafiis ka furanaysa Puntland

Published: December 12, 2019

Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed iyo Hay’adda Bisha Cas ee dalka Imaaraadka ayaa kala saxiixday heshiis wada shaqayneed oo oggolaanaya in Hay’adda Bisha Cas ee dalka Imaaraadku ay xafiis ka furato Puntland, si ay ugu fududaato arrimaha gargaarka bini’aadantinimo ee ay ka fuliso Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan dalka Imaaraadka ayaa saxiixay heshiiska wadashaqayneed ee Dowladda Puntland iyo Hay’adda Bisha Cas ee dalka Imaaraadka, dhinaca Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka waxaa heshiiskan u saxiixay Xoghaya Guud ee Hay’addaasi Maxamed Ateeq Al-falahi.

Dowladda Puntland ayaa asbuucyadan ka shaqeynaysay xaaladaha bini’aadantinimo ee ka dhashay roobabkii ka da’ay gobolada Puntland, waxaana jira Guddiyo Dowladdu u saartay arrimaha Gurmadka dadka ay roobabku saameeyeen. 

Xafiiska Hay’adda Bisha Cas ee dalka Imaaraadku ay ka furanayso Puntland ayaa ka mid noqondoona xafiisyada Dowladda kala shaqaynaaya arrimaha gargaarka bani’aadantinimo, waxaana wafdigii ugu horeeyey ee xafiiskaasi ka socda uu maanta soo gaaray magaalada Boosaaso.

Dhinaca kale, Hay’adda Bisha Cas ee Imaraadku waxay 10 kii sanno u dambeeyay ay gargaar cuno u badan keeni jirtay magaalooyinka Puntland.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *