Maraykanka oo soo dhaweeyay Heshiiska DFS iyo Ahlu-sunah.

Published: December 12, 2019

Amb Donal Yamamoto Safiirka Dalka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay heshiiska dhex-maray Dawlada Federaalaka ah ee Soomaaliya iyo Ururka Ahlu-sunah wal-jameeca, Safiir Yamamato waxa uu sheegay in maraykanka ay ka go’antahay tageerida dadaalada socda, isla markaana ay ka go’antahay ka shaqaynta hirgelinta go’aamadaas si Soomaaliya loo gaarsiiyo Nabad iyo Xasilooni waarta.

Danjire Amb Donald yamamoto waxa uu tilmaamey in ay aqoonsanayihiin dadaalada dib-u-heshiinta ee socda, sidoo kale waxaa uu bogaodiyay tanaasulka ay dhinacyadu sameeyeen taas oo ku saabsan doorashada Galmudug iyo qaybsigga xildhibaanada.

Horseed Media, 2019.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *