Shirkii Wasiirrada Somaliland oo Labo xeer Ansixiyey Xeerar kuwa kalena loo Qaybiyey.

Published: December 12, 2019

Fadhigii 50-aad ee golaha wasiirrada omaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa lagaga dooday laguna ansixiyey xeerar kala duwan oo muhiim u ah qaranka, iyada oo kuwo kalena lagu qaybiyey.

Fadhigii golaha wasiirrada ee maanta ayaa lagu ansixiyey laba xeer oo kala ah qabyo-qoraalka xeerka liisamada ganacsiga iyo qabyo-qoraalka xeerka Aas-aaska hay’adda caymiska qaranka.

Sidoo kale waxa golaha loo qaybiyey nuqullada qabyo-qoraalka xeerka shaqaalaha dawladda oo ay soo diyaarisay hay’adda shaqaalaha dawladdu, iyada oo nuqullo kamid ah siyaasadda qaran ee maal-gashiga loo qaybiyey golaha.


Ugu dambayntii waxa ay golaha wasiirradu guddi u saareen xeerka Baananka oo muddooyinkii ugu dambeeyey golaha hor yaallay, si ay daraasad dheeri ah ugu soo samayso xeerkan muhiimka u ah qaranka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *