Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde oo balaarin lagu sameynayo

Published: December 14, 2019
Garoonka diyaaradaha Aadan Cabdule Cismaan Muqdisho.

 Dowladda Federaalka ah ee Soomaliya ayaa dhawaan shaacisay in ay waddo qorshe lagu balaarinayo Garoonka Caalamiga ah ee Adan Cabdulle Cismaan ee magaalada Muqdisho, Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in bishan uu bilaabanayo qorshe lagu balaarinayo garoonka Aadan cadde, isagoo xusay in taasi ay bilaaban doonto bartamaha bishan aynu ku jirno ee December.

“Nabadda oo sii kororta, Diyaaradihii oo sii batay, dhaqaalihii oo batay, garoonkana in uu sii weynaado ayay ahayd,  runtii meel aan ku sii weyneyno oo badan ma jirto ,laakiin  waxaa jira heshiis aan la galnay shirkadda garoonka maamusha, taaso oo balaarin doonto garoonka dhulka aan heysano iyo qeyb ka mid ah dhanka badda la duugo, mustaqbalka runtii garoonka wuu yaraanayaa Caasimadda, waxaana loo baahan doonaa in la dhiso garoon kan ka casrisan kana baalaran Insha Allah”ayuu yiri Wasiir Oomaar.

Horseed Media, 2019.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *