Jubaland oo xil ka qaadis ku samaysay gudoomiyayaal Gobol kuwa cusubna magacawday.

Published: December 14, 2019

Madaxweyne ku xigeenka labaad ee jubbaland ahna ku simaha madaxweynaha Cabduqaadir Xaaji Maxamuud (Suldaan Lugadheere) ayaa xilalkii ka qaaday guddoomiyeyaal kuwa kalana magacaabay.

Digreeto kasoo baxday xafiiska Suldaan Lugadheere ayaa xilkii looga qaaday Cismaan Xaaji Nuur, oo ahaa Guddoomiye ku xigeenkii kowaad ee gobolka Gedo, waxaana xilkaas loo magacaabay Maxamed Xuseen Cisman (Ganey).

Gudoomiyihii degmada Luuq Maxamed Cabdullaahi Gadhuub ayaa isna xilkii laga qaaday, waxaana xilkaas loo magacaabay Bishaar Aadan Cabdikariin (Afjabay).

Sidoo kale waxaa xilkii laga qaaday gudoomiyihii degmada Baardheere Cabdullahi Nuur Xasan, waxaana xilkaas loo magacaabay Ismaaciil Cabdi Qorrax (koofi).

Horseed Medai, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *