Maxay ka wadahadleen Laba Shariif iyo Axmed Madoobe?

Published: December 14, 2019

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiyihiisii Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Madaxweynaha kursigiisa lagu muransanyahay ee Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa ay kulan ku yeesheen Magaalada Nairobi ee caasimadda Dalka Kenya.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in kulanka uu Nairobi kula qaatay Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ahaa mid looga hadlay doorashada Soomaaliya ee 2020/2021.

“Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna hogaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ku booqdey hoyga uu ka deganyahay malaada Nairobi ee dalka Kenya”

ayaa lagu war ka soo baxay Axmed Madoobe.

“Kulankan oo lagaga wada arrinsanayey xaalada siyaasadeed ee dalka iyo Doorashada 2020/2021 ayaa sidoo kale waxaa ku weheliyey madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan” ayaa lagu soo gabagabeeyey bayaanka.

Labada Shariif ayaa Magaalada Kismaayo waxaa ay uga qeybgaleen Caleemasaarkii Axmed Madoobe ee la qabtay 10kii October sanadkan iyaga oo aad u dhaliilay dowladda Federaalka ah ee hadda jirta.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *