Deni Oo shaki Ka Muujiyay Doorasho Qof iyo Cod ah 2021-ka

Published: December 15, 2019

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay sida uu u arko sharciga doorashooyinka  ee horyaala barlamaanka Federaalka ee Soomaaliya, waxaa uu shaki ka muujiyay suurtagalnimada in Somaliya ay ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah sanadka 2021-da

Madaxweynaha oo ka hadlayay daahufurka qorshe howleedka guddiga doorashada Puntland ayaa sheegay inuu ka soo horjeedo Sharciga doorashooyinka federaalka, isagoo Faahfaahinaya sababaha uu ku diidan yahay waxaa uu yiri:

Sanadka ugu dambeysa doorashaa la qabanayaa 4.5-kiina laga tegi maayo qof iyo codna waa la qabanayaa, sidey isku geli karaan aniga wali aad uma fahmin” ayuu yiri, wuxuuna sii raaciyay

“Hadii la leeyahay doorashaa la qabanayaa 4.5 chapter-keeda waa in uu xirmaa, hadii la leeyahay ma xirmi karo, hadda annaga dad Soomaali ka duwan ma nihi xaal-mastuurka waa ogol nahee, bal hala isku yimaado hala wada hadlo, xagee la aadayaa waaye marka, waddo kale oo saddexaad aniga iima muuqato,” ayuu sii raaciyay

Madaxweynaha ayaa raaciyey: “Hadii la leeyahay qof iyo cod, sidda ay shegeen, oo degmooyinkii iyo gobolada la dhigi waayo oo wax cad la keeni waayo, waxa ku xigta waa in la yiraahdo maxaa ku xiga oo la aadayaa?”.

Wuxuu sheegay inaysan Puntland u qalmin, islamarkaana ayansan suurtagal ahayn inay qayb ka noqto waxa uu ugu yeeray shaarar dad tolanayaan

Gabagabadii, Madaxweynuhu Wuxuu shaki ka muujiyay madaxbanaanimada iyo shaqada guddiga doorashada Federaalka, waxaa  uu sheegay inay qayb ka noqdeen xukuumadda Federaalka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *