Hargeysa – Dab qabsaday guri oo sababay khasaaro nafeed

Published: December 15, 2019

Dab xalay qabsaday hooyga reer deganaa xaafadda Libaaxyada ee magaalada Hargeysa ayaa sababay dhimashada Ilmay yar oo sagaal bilood jir ah iyo dhaawaca labo caruur ah oo kale.

 Ciidanka dab-damiska Somaliland ee ka howlgala magaalada Hargeysa ayaa soo badbaadiyey labada caruurta ah ee ku dhaawacmay dabkaas, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay.

“Alle ha u naxariistee ilmo yar oo sagaal bilood jiray ayaa ku dhintay, halka laba kalena iyagoo dhaawaca ciidanka dab-demiska Hargeysa ka soo samatabixiyeen hoygooda oo dab ku qabsaday xaafada libaaxyada ee magaalada Hargeysa”

ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay taliska ciidanka dab-damiska Somaliland.

Sidoo kale qoraalka oo intaa ka dheeraa ayaa lagu sheegay in labada caruurta ah ee ciidanku ay soo badbaadiyeen ay kala ahaayeen wiil iyo gabar, halka saqiirka dhintay ay hooyadiis kor uga xirtay kadibna uga tagtay guriga gubta waliba isga oo lug ka xiran.

“Labadii kale oo kala ahaa wiil iyo gabadh ayaa ciidanka dab-demisku gaadhsiiyeen cisbitaalka weyn ee magaalada hargeysa halkaas oo hadda lagu daawaynayo.caruurtan yar yar ayaa waalidkood dusha kaga sii xidheen, iyadoo waliba ilmaha yar ee dhintay lugta uu ka sii xidhnaa”

ayaa lagu yiri warka ka soo baxay ciidanka dab-demiska Somaliland.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *