Puntland oo eedaymo cusub u jeedisay DFS!

Published: December 15, 2019

Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Boosaaso, ayaa xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in aysan Puntland waxba ka soo gaarsiin Deeqaha lagu soo qaato magaca Soomaaliya.

“Deeqda caalamiga ah Muqdisho ayay ku ururtaa, gacanta dowladda Federaalkayna ku jirtaa, waxaan ognahay Bakhaaro xiran oo deeq ah oo aan ka baqeyno in ay halkaa ku dhacaan oo ku expire-garoobaan”

ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Bari.

Abwaan ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay, in ay umadda Soomaaliyeed si siman u wada-gaarsiiyaan Deeqaha lagu soo qaato magaca Soomaaliya oo uu sheegay in ay ku xeraysan yihiin bakhaaro waaweyn oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

“ Dowladda Federaalka, waxaan leenahay, Deeqda aad haysaan, oo bakhaarada ku xiran,  oo dadka Soomaaliyeed la idiinku dhiibay idinku ma lihidine, umadda Soomaaliyeed u soo gudbiya sida ay tahayna u gaarsiiya, maalinta Qiyaamada adduun iyo aakhiraba waa wax la idinkula xisaabtamayo”

ayuu sii raaciyay.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya, si adag loogula xisaabtami doono Deeqaha ay Caalamka ka soo qaadaan ee bakhaarada ugu xeraysan, xilli dadka Soomaaliyeed ka baahan yihiin.

Puntland iyo dowladda federalka ayaa xilligaan waxaa ka dhex taagan khilaaf siyaasadeed oo saameyn ku yeeshay wada shaqayntii labada dhinac, inkastoo todobaadkii hore raysal Wasaare Kheyre uu dalbay in gargaar la gaarsiiyo gobolka Gardafu oo galay xaalad go’doon ah.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *