Xildhibaan Dalxa:Sidee isku waafiqi karaan Xaqdaro iyo doorasho xalaal ah- DAAWO

Published: December 15, 2019

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa  oo ka tirsan aqalka hoose ee barlamaanka Federaalka ayaa walaac ka muujiyay qaabka la doonayo in Lagu galo doorashada 2021ka.

Wuxuu sheegay in qorshaha doorasho ee la wado uu khatar ku yahay Beelaha Somaliyeed ee Barlamaanka ku leh 31 Xildhibaan, waxaa uu sheegay in la wado doorasho Lagu tilmaamay inay xalaal tahay balse xaqdaro ku ahaa Beelaha qaarkood.

“ Nidaamkii 4.5 oo 275 kuraastuna u qaybsan tahay, haddii beelihii 31 xildhibaan haystay oo shalay xal lagu raadinayay oo aan xaq ahayn, Hadana doorasho Xalaal ah inta magac loo bixiyay oo xaq darana meeshii ka maqnayn, anniga waxaan ku wareersanahay sida ay isku waafiqi karaan  Xaqdaro iyo doorasho xalaal ah”

Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maalmaha ka doodayay sharciga doorashada oo ay soo gudbisay xukuumadda federaalka ee uu hoggaamiyo Ra’isul Wasaare Xasan Cali Khayre.Xubnaha Barlamaanka waxay ka doodayaan in dalka ay ka dhici karto doorashada qof iyo cod ah iyagoo waqtiga xukuumadda hadda talada haysa ay ka dhiman tahay Muddo Sanad ah.

Qaar ka mid ah xildhibaanada federaalka ayaa walaac ka muujiyay in sharciga doorashada ee barlamaanka horyaal uu xukuumadda u suurtagalinayo in loo kordhiyo mudada ay xilka haynayaan si dalka loo gaarsiiyo doorasho Qof iyo Cod ah

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *