Ciidamada Dhuusa-Mareeb oo gacanta ku dhigay qaraxyo lagu diyaariyay gudaha Magaalada.

Published: December 16, 2019

Ciidamada Amaanka ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa soo bandhigay qaraxyo ay sheegeen in laga soo qabtay gudaha Magaalada kuwaas oo uu sheegay in ay ku diyaarsanaayeen gudaha Magaalada.

Gaashaanle Cabdullaahi Xasan Cali  Taliyaha xasilinta caasimada Galmudug ayaa u sheegay in ay howlgal qorsheysan ku qabteen qaraxyadani kadib markii ay ka war heleen, waxa uuna intaas ku daray in dadweynaha ay kala shaqeeyeen sidii gacanta loogu dhigi lahaa qaraxyadani ciidanka ay ku daba joogaan dhagar qabihii qarinayay ee qorshihiisu ahaa inuu ku waxyeeleeyo bulshada.

Taliyaha ayaa shacabka uga mahad-celiyay sida ay ula shaqaynayaan Ciidamada Amaanka, Dhawaana magaaladaas waxaa lagu wadaa in ay ka qabsoonto doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka Galmudug. sidoo kalena waxaa socota hanaankii lagu soo xuli lahaa xildhibaanada cusub ee Galmudug.

Horseed Media, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *