Madaxweynaha Jubaland oo ku wajahan Magaalada kismaayo.

Published: December 16, 2019

Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Jubaland ayaa maanta lagu wadaa in uu dib ugu laabto Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubaland, Madaxweynaha ayaa maalmihii danbe ku sugnaa Magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya.

Axmed Madoobe ayaa intii uu ku sugnaa Nairobi kulamo la qaatay safiirada wadamada caalamka u qaabilsan Soomaaliya, Madax ka tirsan Dawlada Kenya, Qaar ka midda siyaasiyiinta Soomaaliya iyo masuuliyiin kale.

Dhawaan ayay sheegtay in dawlada federaalka ah ee Soomaaliya dib u fasaxi doonto diyaaradihii sida tooska ah u tagi jiray Magaalada Kismaayo, lamase hubo in diyaarada sida Madaxweyne Axmed Madoobe ay ku hakan doonto Magaalada Muqdisho iyo in si toos ah ay uga daggi doonto Magaalada Kismaayo.

Horseed Media, 2019.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *