Madaxweynaha Jubaland oo markale dhaliilay DFS.

Published: December 16, 2019

Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo mudo ku dhaw 20 cisho safar ugu Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubaland, Madaxweynaha ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaarada, Maamulka dawlada, shacabka Magaalada kismaayo iyo qaar ka mida hogaanka dhaqanka ayaa si diiran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaarada Kismaayo Madaxweynaha Jubaland.

Axmed Maxamed Islaam oo shir jaraaid ku qabtay gudaha garoonka ayaa markale si kulu u dhaliilay DFS, waxa uu xusay in hogaanka dawlada ay hayaan wado qaldan, Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale ka hadlay xaalada gobolka Gedo iyo tallaabooyin uu sheegay in lagu carqaladeynayo amniga iyo dowladnimada dalka oo ay DFS ka wado halkaas, kuwaas oo uu sheegay inaysan natiijo ka gaari doonin haddii aysan wado wanaagsan u soo marin kana waantoobin baalmarka dastuurka dalka u yaala.

Madaxweynaha Jubaland ugu danbayn waxa uu ka hadlay doorashada la filayo in dalka ay ka dhacdo, waxa uu xusay in ay tahay in heshiis laga gaaro qaabka doorasho ee dalku gelayo” Waxaa laga hadlayaa Doorashada 2020 iyo dariiqa ay noqoneyso, heshiis siyaasadeed baa lagu gaari karaa Doorasho iyo meesha la aadayo, laakiin waan soo dhaafnay anaa iri waqtigii la oran jiray ” ayuu yiri madaxweynaha Jubaland.

Horseed Media, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *