DFS oo ka hadashay weerar cirka ah oo ka dhacay Bu'aale

Published: December 17, 2019

Diyaaradaha dagaalka ee dalka Mareykanka ayaa waxay fiidnimadii xalay weerar dhinaca cirka ka fuliyeen deegaanka Dujuma oo 6km jirta Magaalada Bu’aale ee Xarunta Gobolka Jubbada Dhexe.

War saxaafadeed ay soo saartay Dowladda Somaliya ayaa lagu faah faahiyay duqaynta ka dhacday Gobolka Jubbada Dhexe, iyadoona lagu sheegay in lagu dilay nin ka tirsanaa Al Shabaab.

Qoraalka dowladda ayaa u qornaa sidatan

” Fiidnimadii 16-ka Dicember 2019 Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo kaashaneysa howlgalka saaxiibada Mareykanka ayaa fulisay duqayn xagga cirka ah oo ka dhan ah Al Shabaab meel u dhow Dujuma oo qiyaastii 6Km u jirta Magaalada Bu’aale ee Gobalka Jubada Dhexe Somaliya “

” Waxaa la Xaqiijiyay in hal qof oo Al Shabaab ah lagu dilay duqeynta “

” Sidoo kale waxaa haatan la xaqiijiyay inaysan jirin qof rayid ah oo waxyeelo ka soo gaartay.”

” Xukuumadda Federaalka Somaliya iyo saaxiibada Mareykanka ayaa wada dadaal dheeri ah, si looga hortago waxyeelada soo gaarta rayidka iyo in la horkeeno cadaaladda hogaamiyaasha muhiimka ah ee fuliya weerarada ka dhanka ah shacabka aan waxba galabsan.”

” Hawlgalkan wuxuu muujinayaa ka go’naanshaha dowladda iyo saaxiibada, sii wadida dagaalka lagula jiro Al Shabaab iyo ka shaqaynta, sidii loo gaari lahaa amni iyo xasilooni waarta guud ahaan dalka Somaliyeed. “

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *