Guddoomiye Cirro Oo Aqbalay In La Kala Diro Guddiga Doorashooyinka Somaliland

Published: December 17, 2019

Guddoomiyaha xisbiga mucaraadka Somaliland c/raxmaan Ciro oo shi Jaraa;id ku qabtay Magaaladda Hargaysa ayaa sheegay inuu aqbalay in la kala diro xubnaha guddiga doorashada Somaliland.

Wuxuu sheegay in xisbigiisa iyo xisbiga kale ee Ucid ay si wadajir u aqbaleen go’aamadii ay soo saareen ergadii isku xilsaartay inay dhexdhexaadiyaan xukuumadda iyo ururada mucaraadka ee Somaliland

“Waxaan u sheegayaa shacabka iyo dadka daneeya Somaliland in Labada xisbi ay aqbaleen dhammaan go’aamadii ay soo saareen ergadii dhexdhexaadinta” ayuu yiri Guddoomiye Ciro, isagoo sii raaciyay ” Waxaan intaa ku darsanayaa Ninkii gardiidka ahaa, maantana ha ku darsado ergo diid”

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland iyo xisbigiisa kulmiye weli kama hadlin sida ay u arkaan go’aanka ergada dhexdhexaadinta ee ah in la kala diro guddiga doorashada Somaliland.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *