Hargaysa:Xukuumada oo War Ka Soo Saartay Go’aanadii Ergada Dhexdhexaadinta

Published: December 17, 2019

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Isla markaana ah Afhayeenka Xukuumadda Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo Kulan warbaahineed maanta ku qabtay Xafiiskiisa ayaa ka hadlay soo Jeedimihii ay Shalay soo saareen guddidii is xilqaantay ee u kala dab qaadaysay Xukuumadda iyo Xisbiyada Siyaasada si loo soo afjaro Khilaafkii siyaasiga ah ee u dhexeeyay.

Wasiirku wuxuu sheegay in dawlada Somaliland ay soo jeedimahaasi u eegayso sharciga dalka u yaala,

“ Marka ugu horaysa waxaan rabaa inaan is dul taago labada qodob ee kala ah Kala dirka Komiishanka cusub iyo soo celinta Komiishankii hore, arrintaas ka dawlad ahaan iyadoo aanan ku darin sifo badan oo balaadhan dalku sida aad ogtihiin wuxuu leeyahay Shuruuc , distoor iyo golayaal sidaa daraadeed waxay dawladu ka qabtaa wixii sharciga Somaliland ka qabo, Waana arrin Sharci ee ma aha arrin maamul, Mar hadii aynu aqoonsanahay inaynu nahay ummad sharci kala hagayo in wixii sharcigu qabo dib loogula noqdo sharciyada’’ ayuu yiri wasiirku

Wasiir Koore Waxa uu soo dhaweeyay go’aanadii talo soo jeedinta ahaa ee ay soo saareen ergadii is xilqaantay

“ Waxaan aad iyo aad u soo dhawaynayaa qodobadaas ay soo saareen odoyaashaas sharafta,karaamada iyo milgaha bulshadda reer somaliland ee ahaa in la is ixtiraamo, Xukuumadda aan afkeeda ku hadlayo waxaanu diyaar u nahay inaanu ixtiraamno soo dhawayno wada shaqayn dhab ah la yeelano xisbiyadda qaranka iyo qof kasta oo muwaadin ah oo dalkan ku soo kordhinaya fikir fiican oo dhismihiisa hore u wadaya Xisbiyaduna waxay ka mid yihiin qaab dhismeedka guud ee dawlada Somaliland iyo dimuquraadiyada aynu ku naaloono,Markaa mar kasta doorkooda iyo goobtooda ku haboonaanshaha xisbiyadu diyaar ayay dawladu u tahay” ayuu yiri

Wasiirka waxaa kale oo uu ka hadlay qodobka ku saabsan Mudo kordhinta golayaasha ee Ku jiray go’aamadii Talo soo jeedinta ahaa ee ergadii is xilqaantay, waxaana uu sheegay in qodobadaasi ay muddo fara badan horyaaleen xisbiyada hase yeeshee intii aan muddo kordhinta la samayn ayay ahayd inay ka wada hadlaan qaabka iyo goorta ay doorashadu dhacayso, waxaa kaloo uu tilmaamay in xukuumadda iyo xisbiga kulmiye ay diyaar u yihiin in doorasho ay Somaliland ka dhacdo

Xisbiyada wadani iyo Ucid ayaa si wadajir u taageeray go’aankii ay soo saareen Ergada isxilqaantay kuwaasoo ku taliyay in la kala diro guddiga cusub ee doorashooyinka, islamarkaana dib loo soo celiyo guddigii hore.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *