Heshiiskii la Dhexdhigay Beelihii Ku Diriray Towfiiq oo Maanta la Dhaqan galinayo

Published: December 17, 2019

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay horjoogayaasha maleeshiyaadkii ku dagaalamay degaanka Towfiiq iyo Af-barwaaqo ee Bariga gobolka Mudug.

Beelaha dagaallamay ayaa maanta lagu wadaa inay dhaqangeliyaan heshiiskii dhawaan ay kala saxiixdeen, iyagoo sameeyay guddi isku dhaf ah oo ka kooban labada dhinac.

Guddiga isku dhafka ah ayaa ka koobanyihiin 12 xubnood oo labo ka mid ay yihiin ciidanka xoogga dalka, kuwaasi oo maanta kormeer ku tegaya deegaannadi lagu dagaallamay si loo kala qaado maleeshiyo beeleedkii halkaasi ku dagaallamay, isla markaana ay noqoto mid dhaqan gasha heshiiski ay wada gaareen labada dhinac.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *