Swan iyo Madoobe Oo Ka Wadahadalay khilaafka Dowladda Federaalka iyo Jubbaland

Published: December 17, 2019

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Aqalka Martida ee Magaalada Kismaayo ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan Xubno kasocday Midowga Yurub Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD

Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland kulanka ka dib ayaa lagu sheegay in labada dhinac ka wada hadleen Arimaha Doorashooyinka 2020 Khilaafka Dowlada Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah iyo cafinta daynta lagu leeyahay Soomaaliya Dhamaystiria Dastuurka iyo qodobo kale.

Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu ku dhaliilay dowladda federaalka inay ka gaabiyeen dhamaystirka Dastuurka federaalka taasi oo sheegay inay ka dhasheen khilaafyo ay ahayd in lagu dhex xaliyo dastuurka isla markana qaabka hada ay u socoto ayna ahayn sidii loo baahna iyadoo aan laga qaybgalin xubnahii Dowlad Goboleedyadu ay xaqa u lahayeen.

Arimaha Doorashooyinka 2020 ayuu Madaxweynahu sheegay in ay muhiim tahay in si wadajir ah looga shaqeeyo oo cid gaar ah aanay danaheeda ka dhex raadin si gaar ahna Madaxweynahu wuxuu xusay in Doorasho qof iyo cod ah aanay dalka ka dhici Karin iyadoo aan la samayn tiro koob sax ah Dhamaystirka Dastuurka Arimaha amaanka iyo wada hadalada Soomaaliland intaasna aan wali wax wanaagsna laga qaban oo saamaxaya in dadku ay codeeyaan iyadoo amniga dalku uu meel adag marayo sidoo kalana ay muhiim tahay in nooca doorashada ay heshiis ka gaaran Dowlada Federaalka Dowladaha xubnaha ka ah iyo saamileeyda siyaasada dalka.

Khilaafka Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah ayuu Madaxweynahu sheegay in ay tahay caqabad weyn iyadoo wali Dowlada Federaalka ah ay wado faragalinta ay ku hayso Dowlad Goboleedyada dalka taas oo ay hada taagan tahay faragalinta qaawan ay ay ku hayso qaybo kamid ah Jubbaland gaar ahaan Gobolka Gedo.

Arimaha Jubbaland ayuu Madaxweynahu sheegay in meel wanaagsan ay marayaan isla markana wax badan laga qabtay sidii midnimada iyo wadajirka Bulshada loo adkayn lahaa taas oo dadka shacabka ah iyo Xukuumada Jubbaland ay si wadajir ah uga shaqeeyeen isagoo xusay in fataahada wabiga Jubba ay meelo kamid ah Jubbaland saamayn ku yeesheen waxaana beesha caalamka uu ugu baaqay inay doorkooda ka qaatan gurmadka loo samaynayo dadka ay xaaladahaasi sameeyeen.

Dhinaca kale, Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay dayn cafinta waxaana uu sheegay in ay ahmiyad weyn u leedahay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ayna ka shaqaynayaan sidii arintaas ay miro dhal u noqon lahayd balse ay lagama maarman tahay in shacabka Soomaaliyeed ay ogaadan qalabka daynta looga cafinayo dalkeena iyo wadooyinka loo marayo.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa dhankiisa Madaxweynaha iyo Dowlada Jubbaland ku amaanay sida nabadgalyada leh ee ay wax u socdaan isagoo sheegay in ay tahay wax lagu faano in wixii ka danbeeyay Doorashadii Madaxweynaha sida ayna u dhicin waxyaabo nabadgalyada wiiqi karay waxaa kale oo uu Wakiilku sheegay in Jubbaland ay kasoo baxday waxyaabahii looga baahna ee ay kaga qaybqadanayeen dayn cafinta Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu intaas ku daray in Madaxweynaha ay ka wada hadleen hanaanka Doorashooyinka 2020 iyo dagaalka ka dhanka ah Argagixisada sidii loogu midoobi lahaa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn uga hortimid doorashadii madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, waxayna ku tilmaamtay inay sifo sharci ahay lagu doortay

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Dowladda federalka waxay ku xaraysanyihiin in yar oo xamar ka mid ah. Goboladda ha u soo jeesteen Marka ay xamar amnigeeda sugan.