Taliska Ciidanka Asluubta Oo Beeniyay In Laga Celiyay Madaxtooyada

Published: December 17, 2019

Taliska ciidanka Asluubta dowladda federaalka Soomaaliya ayaa beeniyay war lagu daabacay baraha bulshada, kaasi oo ku saabsana Taliyaha Asluubta laga celiyay xarunta Madaxtooyada ee villa Somaliya.

Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in madaxtooyda Qaranka aan loodiidin, isla markaana aysan sax ahayn in uu xoog ku galay,  madaxtooyaduna  qof iyo shan qofba aan xoog ku geli Karin.

“Waxaan daba joogaa hadal been abuur ah oo ah in taliyaha ciidanka Asluubta laga celiyay Madaxtooyada Qaranka, waa dacaayad waa dulmi, waa aflagaaddo, waa xumaan dalka ka jirin dad abuuraya waaye, waa dad xumaan abuuraya, danta ay leeyihiin iyagaa og, dadkaas waxaan u fasirayaa inay yihiin dad dowlad diid ah, aniga madaxtooyada xoog kuma gelin, cid ii diidayna ma jirin”. Ayuu yiri Taliyaha ciidanka Asluubta.

Taliyuhu wuxuu sheegay inay jiraan dad uu ku sheegay inay beenta ku qaraabta oo doonaya inay xumaan ka dhex sameeyaan Madaxda iyo shacabka, waxaana uu intaa ku daray inaan loo dulqaadan doonin wararka been abuurta ah ee laga faafinayo madaxda.

Dowladda federaalka ayaa awaamiir cusub ku soo rogtay ilaalada la socota xildhibaanada iyo madaxda kale ee xukuuumada Kadib markii ururka Alshabaab ay weerar ku qaadeen Hotel SYL oo ku yaal afaafka laga galo madaxtooyada.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *