Ergayga QM oo Ka Walaacsan Khilaafka Jubaland iyo DF uu Saameeyo Doorashada 2021ka

Published: December 18, 2019
Ergagay qaramada Midoobay James swan oo shir jaraa’id ay wada qabanayaan Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe

Ergayga qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somaliya James Swan oo maanta booqasho ku tegay magaaladda Kismaayo, halkaasi oo uu kula kulmay madaxweynaha Jubbaland Axmed madoobe ayaa walaac ka muujiyay khilaafka dowladda federaalka iyo Jubbaland.

Warsaxafadeed uu soo saaray wuxuu sheegay in khilaafkii siyaasadeed ee ka dhashay dib-u-doorashadii Axmed Madoobe aan weli la xalin, hase yeeshee ay xaq u leeyihiin shacabka Jubbaland inay qayb ka noqdaan

” Waxaannu halkan u joognaa in aannu la hadalno saamileey kala duwan, si aannu u maqalno araaadooda ku saabsan sida loo fulin karo howlaha qaran ee 2020. Taas waxaa ka mid ah diyaarinta doorashooyin ‘hal qof iyo hal cod ah’, dhamaystirka Dastuurka Federaalka, sii wadista dayn cafinta ama khafiifinta, iyo la dagaallanka Al-Shabaab,”ayuu yiri Ergayga QM ee Somalia, James Swan, wuxuuna sii raaciyay

““Yeelkeede, Jubaland iyo dadkeedu waxay door ku leeyihiin sidii ay Somalia u gaari lahayd ahdaafta 2020. Ma doonayno in afkaarohooda laga ilduufo,” ayuu yiri Mr. Swan.

Wefdiga uu hoggaaminayay James Swan ayaa ka koobnaa Danjiraha  Midowga Yurub (EU) ee Somalia, Nicolas Berlanga; Ku qaybsanaha taageerada Howlgalka Midowga Afrika (AU) ee Somalia, Sarreeye Guud Fidza Dludlu; iyo La Taliye Sare ee Urur Goboleedka IGAD, Jamal Ahmed Ibrahim.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *