Gen. Xirsiile oo ka hadlay siduu u dhintay bukaan uu kala soo baxay isbitaal

Published: December 18, 2019

Iyadoo baraha bulshadu ay ku xariirto iyo warbaahintaba saacadihii lasoo dhaafay lagu baahinayey muqaal kooban iyo war ku saabsan in taliyaha xabsiga dhexe ee Xamar uu isbitaal si xoog ah ugala soo baxay ruux bukaan ahaa kadibna dhintay,  ayaa waxaa markii ugu horeysay arinkaas beeniyey Taliyihii, isagoo faah-faahin ka bixiyey sida ay wax u dhaceen.

Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile oo ah taliyaha xabsiga dhexe ayaa sheegay in ruuxaas oo ku xukunaa 8-sano si qaldan looga saaray istaal ku yaalla xabsiga dhexe, isla markaana la geeyey isbitaal si gaar ah loo leeyahay, halkaas oo wax ka yar 40 daqiiqo uu sheegay inuu uga dabatagay.

Taliyaha ayaa markii uu ninkaas ka soo qaaday isbitaalkii ay geysteen ehelkiisa waxa uu sheegay inuu toos u geeyey isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho, isagoo labo maalin kadib halkaas ku geeriyooday.

Ninka dhintay oo lagu magacaabi jiray Xasan Kurtun Calasow ayuu sheegay Taliyuhu inuu qabay xanuunka macaanka ama sonkorta oo kaliya, isla markaana uu hayo cadeynta warqadihii caafimaadka oo ay ku qoranyihiin xilliga uu geeyey isbitaalka Martiini oo ah isbtitaalka sharciga ah ee lagu daweeyo maxaabiista ku xanuunsata xabsiga dhexe.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *