Haween ka tirsan Baarlamaanka DFS oo shir uga qaybgalay Turkiga

Published: December 18, 2019

Guddiga Haweenka Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya ayaa waxay markii ugu horeysay ay shir uga qaybgaleen Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga.

Hay’adda Hear Women ayaa soo qaban qaabisay shirkan oo mid caalami ahaa, isla-markaana ay ka qaybgaleen haween meelo kala duwan isaga kala yimid.

Shirkan ayaa waxaa looga hadlay sidii ay haweenka door muuqdo ugu yeelan lahaayen siyaasadda dalalkooda, joogtana ay u noqon laheyd kaalintooda ku aadan dowladaha ka jira wadamada ay ka soo kala jeedaan.

Dulucda shirarka ay qabato Hay’adda Hear Women ayaa ah kor u qaadidda iyo u qareemidda kaalinta, ay dumarka ku leeyihiin siyaasadda dalalkooda.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *