Nairobi – Francisco Caetano oo booqday dhaawacyada AMISOM

Published: December 18, 2019

Madaxa ciidanka AMISOM ahna Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya, Amb. Francisco Caetano Madeira ayaa booqasho ugu tagay askar ka tirsan AMISOM, oo lagu dabiibayo isbitaal ku yaala magaalada Nairobi.

Askartan oo ku dhaawacantay hawlgalka dalka ayaa dhaawacyadooda loo qaaday isbitaal ku yaala magaalada Nairobi, kaasoo ka horumarsan isbitaalka AMISOM ee xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Wakiilka Midowga Africa oo booqasho ku joogga magaalada Nairobi ayaa u kuurgalay xaaladda askartooda iyo sida ay uga soo kabanayan dhaawacyada.

Amb. Madeira oo mid mid askarta uga wareystay xaaladooda caafimaadeed ayaa dhanka kale waxaa uu guddoonsiiyay hadiyado, uu markaasi ugu talagalay, si mooralka askarta loogu dhiso.

Madaxa Hawlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya ayaa waxaa booqashadan ku wehlinayay Taliyaha Ciidanka Nabad Ilaalinta Amisom, General Tigabu Yilma iyo Taliyaha Booliska Amisom, Rex Dundun.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *