Unsom oo War-saxafadeed Ka Soo Saartay Socdaalkii James Swan ee Garoowe

Published: December 18, 2019

Xafiiska howlgalka qaramada midoobay ee Somaliya ayaa war-saxafadeed uu ka soo saaray socdaalkii uu Ergayga xogyahaha qaramada midoobay uu ky yimid Garoowe waxaa uu ku sheegay in sanadkan 2020ka uu Soomaalida u noqon doono mid taariikhi haddii ay dhinacyadu heshiis gaaraan.

Warsaxafadeedka ayaa u qornaa sidatan:

Iyaga oo soo gunaanadayey wadatashiyada ay guud ahaan Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federalka Soomaaliya kula yeelanayeen ayey manta wafdigii wakiilka ka ahaa qaar ka mid ah wadamada beesha caalamka ee Soomaaliya bahwadaagga la ah booqdeen Caasimadda Puntland, Garowe si ay heerkii ugu dambeeyey ee booqashooyinka ku dhageystaan  araahda ku aadan hortabinada Qaranka sida loo gaari karo sanadka dambe.

“Halkan Puntland, wakiilada qaar ka mid ah saaxiibada Soomaaliya waxa ay u yimaadeen si ay ugu dhageysan lahaayeen araahda mas’uuliyiinta Puntland iyo ururada bulshada. Wadatashiyo kuwan oo kale ah waxaan ka sameynay Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Jubbaland, mas’uuliyiinta Qaranka iyo Madaxweyne Xaaf-ka Galmudug,” waxaa sidaas yiri Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan oo u hadlayey wafdiga.

Waxa uu xusay in hortabinada ay ka mid yihiin u diyaar-garowga doorashada ‘Qof iyo Cod’, dhammeystirka dastuurka Federal-ka, sii ambaqaadidda deyn cafinta iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Marka laga yimaado Ergeyga Qaramada Midoobay, wafdiga waxa uu ka koobnaa ku xigeenka Madaxa Midowga Yurub ee Soomaaliya, Nicole Miller; Hawlgalka Midowga Africa oo uu ka socday madaxa taageerada hawlgalka Major General Fidza Dludlu;  iyo wakiil ka socday Urur Gobolleedka IGAD Nuur Cabdi Ciise.

Wafdiga waxa ay la kulmeen Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni iyo siyaasin iyo jilaal bulsho ee ku sugan maamulka sida Wasiirada Xukuumadda iyo wakiilo ka socday Ururada Bulshada.

“Wadatashiyadan waxa ay noo ahaayeen fursad aan si toos ah ugu dhageysanno aragtiyada saamileyda sidii lagu gaari lahaa waxyaabaha hortabinada u leh Qaranka caqabadahana looga gudbi lahaa,” ayuu yiri Swan.

Saaxiibada caalamka waxa ay sidoo kale muujiyeen in sanadka dambe uu Soomaaliya u noqon karo taariikhi haddii siyaasiyiinteeda iyo bulshada ay wadahadallo looga heshiinayo sidii hore loogu socon lahaa isugu yimaadaan.

“Waxaan rejeynayaa in aan Soomaaliya ka taageerno sidii 2020 uu taariikhi ugu noqon lahaa dalka iyo in Soomaaliya ay awood ugu yeelato sii wadadidda yididdiilada hore u socodkeeda,” ayuu yiri Md. Swan.

Marka laga yimaado wadatashiyada ay Maamul Gobolleedyada ay beesha caalamka la yeelaneysay waxa ay sidoo kale la tashaneysay madaxda Qaranka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *