Wafti ka socda Beesha Caalamka oo ku wajahan Puntland.

Published: December 18, 2019

Wafti ka socday Beesha Calamka ayaa maanta kusoo wajahan Magaalada Garoowe ee Caasiamda Puntland, waftigaan waxaa horkacaya wakiilka u qaabilsan qaramada midooay soomaliya Jmes Swan, waftigaan ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Puntland, ku xigeenkiisa iyo golaha xukuumada, waxaana lagu wadaa in ay ka wada-hadlaan sidii heshiis siyaasadeed looga gaari lahaa khilaafka u dhaxeeya DFS iyo Dawlada Goboleedyada, sidoo kale in xal waara loo helo sidii qorshe midaysan looga gaari lahaa doorashada soomaaliya.

Waftigaan ayaa shalay gaaray Magaalada Kismaayo iyagoo kulamo la yeeshay Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe iyo golaha xukuumada Jubaland, Dhamaadka shirka ayaa la rajaynayaa in Madaxweynaha Puntland iyo wakiilka xoghayaha Qaramada Midoobay Swan ay warbaahinta la hadlaan.

Horseed Media, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *