Xog Cusub Oo Laga Helay Labo Dhakhtar oo Afduub Loogu Haysto Somaliya

Published: December 18, 2019

Xogo cusub oo laga helay Labo dhakhtar oo u dhashay wadanka Kuuba ee Waqooyiga Maraykanka ayaa sheegaya in xaaladooda caafimaad ay wanaagsan tahay, islamarkaana lagu hayo meel ka mid ah koonfurta Soomaaliya.

Ku xigeenka Ra’isul wasaaraha Kuuba Ines Maria Chapman oo ka soo laabtay safar uu ku tegay wadanka Kenya ayaa wariyayaasha u sheegay in labada wadan ay ka wada shaqaynayaan sidii loo sii dayn lahaa labadaas dhakhtar.

Dhinaca kale, Saraal sare oo ka tirsan xukuumadda Kuuba waxaa uu sheegay in afduubayaashu ay dalbadeen lacag gaaraysa 1.5 Milyan Dollar si ay sii dayaan

Labadan dhakhtar oo lakala yiraahdo Assel Herrera and Landy Rodriguez waxay ka mid ahaayeen 100 Dhakhtar oo ka howlgalayay Kenya, Dhakhaatiirsan ayaa midkood takhakhuskiisu ahaa qaliinka, mid kalena uu ahaa dhakhtar cudurada guud, waxaana 12 bishii April ee sanadkan laga afduubay Magaaladda Mandheere ee Waqooyiga Bari ee Kenya.

Afduubka dhakhaatiirtan ayaa looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen ururka Alshabaab ee Somaliya.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *