Dhoobo-dareed "Hoggaanka Puntland 3 reer ayaa isku koobay"

Published: December 19, 2019

Cabdixakiin Maxamad Axmad Dhooba-daareed gudoomiyihii hore ee Barlamaanka Puntland ayaa si kulul uga hadlay xilka qaadistii lagu sameeyey, isaga oo eedeyn u jeediyey madaxda Puntland iyo mudanayaasha golaha shacabka.

Wareysi uu siiyey Tv-ga Universal ayuu ku sheegay in Puntland ay xiligaan gacanta u gashay kaligii taliye, sidoo kalena xildhibaanada barlamaanka Puntland ay maslaxadii ummadda ka doorteen lacag iyo laaluush sida uu hadalka u dhigay.

Isaga oo sii hadlayey ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in Puntland ay ku socoto wadadii bur-burka hadii wax laga qabana  arintaasi ay dadka uu matalo ka tashan doonaan aayahooda.

Mar uu ka hadlayay arimaha doorashooyinka ku saleysan Dimoqaraadiyada ee Puntland waxa uu sheegay in Saddex beelood kaliya ay isku koobeen hoggaaminta Puntland.

17-kii Bishii November ee sanadkaan ayaa xildhibaannada Golaha Wakiilada Puntland waxaa ay xilkii guddoomiyenimo ka qaadeen Cabdi Xakiin Dhoobo-daareed, iyaga oo ku eedeeyey in uu ku xadgudbay Dastuurka Puntland.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

5 Comments

  1. Marka ay doorashadu dhacayso oo la dooranayo madaxwaynaha xildhibaanada intey isu tagaan illeen xildhibaankasta qabiil buu ka yimid ay goaansadaan yeynaan lacag qaadanin kuraasta barlamaanka inta kale hadday isu tagto aan Bal Mar uun madexxwayne aanan saddexdaas reer ka Soo jeedin aan doorano

  2. Waxaa wax lala. Yaaba ah in qof kastaa Inta uu xilka hayo wax diidmo ah uusan ka muujinayn habka ay wax ku socdaan laakiinse marka isaga laga qaado Jagada eedaha uu ku eedeynayo maamulka ay ugu horreysa in dad gaar ahi isku koobeen maamulka.!!!!
    Dhowr sano buu xildhibaan ka ahaa maamulka ka jira puntland marna afkiisa lagama maqlin waxa. hadda uu ku andacoonayo.
    Waana wax ay ku caanbexeen Soomaalida in ayan wax dhaliil ahi maamulka ujeedinin Inta ay shaqaynayaan laakiin marka laga qaado Jagada ay billaabayaan dacaayado aan waxba ka jirin oo markii loo baahnaa aanan laga maqli jirin.

  3. Dhoobo hadalkiisu macne samaynmaayo somalidu waxay ku maah maahdaa nin la dilated ama ooy ama habaartan waxaan ula jeedaa dhoobo waa uu caro hadlay ee caqli kumuu hadlin. Waayo waxaa uu hada sheegayo muxuu u sheegi waayay markii uu gudoonka baarlamaanka ahaa. Dhoobo maahmaah xumidiisa wuxuu yiri dadka degan SSC Sool Sanaag iyo Cayn way urayaan oo waxay u dhexeeyaan labo meelood oo qashin kasoo baxo. Dhoobo wuxuu iila muuqdaa shaqsi aan garashadiisu dheerayn aqoon ahaana ka aradan ogowna cay iyo aflagaadho cidna wax kuma yeeshid balse adigay ku sheegtaa qofka aad tahay. Dhooba asagoo gudoomiye baarlamaanka Puntland ah ayaa kooxda nabad iyo nolol usoo kiraysteen inuu Puntland waa qaso waana laga diiday taas wixii ka dhacay baarlamaanka Puntland asaga ayaa u sabab ahaa oo baarlamaanka soo geliyay maleeshiyo beeleed hubaysan si aan baarlamaanku shaqadiisa u qabsan. Dhoobo waa danbiile gacan ku dhiigle sababta xasanada looga qaadayna waa in lagula xisaabtamo danbigii uu galay.

  4. Waxaan ognahay wax lagu sheegayo xildhibaanada ee Somaliya jooga maamul goboleedyada ama dawleda dhexe waa kooxo burcad ah oo suuq kontaraban ka soo iibsadey alaab ee siibinaya oo weliba faiido aqli dhaaf ah ka doonaya. Xildhibaan shacab soo doortay ma gaari karnaa? Burcada gacanteeda ma Bixi karnaa?