Kongereeska Maraykanka oo u Codeeyey in Madaxweyne Trump Xilka laga Qaado

Published: December 19, 2019

Aqalka Hoose ee gollaha wakiiladda Maraykanka ayaa u codeeyey in xilka laga qaado madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

230 Mudane oo ka tirsan xisbiga dimoqraadiga ayaa u codeeyay in xilka laga qaado madaxweyne Trump, halka 197 Mudane ay diideen in xilka laga qaado.

Donald Trump ayaa lagu soo eedeeyay labo qodob oo akala inuu ku takri falay awooddii madaxweynenimo iyo inuu diiday inuu wadashaqayn kala yeeshe Kongreeska Maraykanka dacwadaha loo haysto ee la xiriira inuu ka codsaday madaxweynaha Ukraine in baaritaan lagu sameeyo Wiil uu dhalay madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Marayknka Baiden oo haatan u tartamaya madaxtinimada Marayknka ee xisbiga dimoqraadiga.

Trump ayaa noqonayaa madaxweynihii 4aad ee Kongarayska Marayknka ay u codeeyaan in xilka laga qaado
Aqalka odoyaasha ee Senateka ayaa loo gudbinayaa dacwada xil-qaadista kuwasoo go’aan ka gaari doona in Xafiiska laga eryo madaxweyne Trump iyo in kale.

HORSEEDMEDIA


Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *