Muxuu La Xiriira Safarka Safiirka Midowga Yurub ee Hargaysa?

Published: December 19, 2019

Wefti uu hoggaaminayo uu hoggaaminayo safiirka midowga yurub u qaabilsan arrimaha Somaliya Amb. Nicolas Belanga Martinez ayaa maanta tegay magaaladda Hargaysa, waxayna la kulmeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi

Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay arrimo dhawra oo ay ka mid yihiin qabsoomidda doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanka, xallinta khilaafka guddida doorashooyinka qaranka iyo taageerada ay beesha caalamku ka geysato horumarka arrimaha bulshada, doorashooyinka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa qoondada dhaqaale ee ay ku taageeraan dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweyne Muuse ayaa u sheegay weftiga inay xukuumaddiisu ka go’an tahay qabsoomidda doorashooyinku marka ay axsaabta qaranku isla meel dhigaan suurta-galnimada doorashooyinka farsamo ahaan iyo sharci ahaan, sidoo kale madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay in gogoshii uu u fidiyey labada xisbi mucaarid ay halkeedii taallo. 

Madaxweynaha waxa kulankaa ku wehelinaayey, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) shir-guddoonka guurtida iyo wakiillada iyo ku xigeenadooda, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Maxamed Faarax, Ahmedyaasiin Sheekh Cali Ayaanle, Siciid Jaamac Cali, wasiirka horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, Md. Liibaan Yuusuf Cismaan, la-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha Dr. Cismaan Sheekh Ahmed, la taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Doorashooyinka Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse),

Dhinaca weftiga safiirka midawga yurub, Amb Nicolas Berlanga Martinez, waxa ku wehelinayey Safiirka Talyaaniga Amb. Alberto Vecchi, Safiirka Jarmalka Amb. Annett Guenther iyo masuuliyiin ka socday Netherlands, Finland, Poland, Austria, Denmark, UK, UNSOM iyo IGAD

HORSEEMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *