Shaqaale lagu Afduubay Waqooyi Bari Kenya

Published: December 19, 2019

Koox looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin ururka Alshabaab ayaa afar shaqaale ku afduubtay Koontiga Wajeer ee waqooyi bari ee wadanka Kenya

Taliyaha ciidamada Booliiska Wajeer Cumar Beeja ayaa xaqiijiyay afduubka 4 qof oo uu sheegay inay ahaayeen shaqaale ka shaqaynayay dhismaha wada laami ah oo laga dhisayay degaanka Wajeer

Wuxuu sheegay in uu socdo howlgal lagu baadigoobayo shaqaalaha la afduubay, hase yeeshee ayn weli xog rasmi ah ka hayn halka la geeyay shaqaalahaas.

Afduubkan ayaa imaanaya iyadoo ururka Alshabaab ay 11 qof ku dileen waqooyiga kenya oo ay degaan qowmiyada Soomaalida.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *